About Me

My photo
Muslims are called upon to use this month to re-evaluate their lives in light of Islamic guidance. We are to make peace with those who have wronged us, strengthen ties with family and friends, do away with bad habits -- essentially to clean up our lives, our thoughts, and our feelings. The Arabic word for "fasting" (sawm) literally means "to refrain" - and it means not only refraining from food and drink, but from evil actions, thoughts, and words.

Sunday, November 21, 2010

Wax qabadka Dahabshiil 2010

Shirkada caanka Dahabshiil oo ah shirkada ugu weyn dhulka Soomaalida dhanka xawaaladaha iyo adeegyada Bangiyada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay si weyn ugu hawlaneyd dardargalinta iyo balaarinta qorshayaasheeda shaqo, iyadoo shirkadu ay safka hore ka gashey u adeegida dadyowga Soomaalida.
Maamulka Dahab Shiil oo ka shidaal qaadanaya talaabooyinkaasi ayaa wuxuu wadey kulamo kala duwan iyo shirar looga wada munaashaqoonayey sii wadida iyo horumarinta hawlaha shirkada Xawaalada ee Dahab Shiil.
Kulan qado oo aad u balaaran kana mid ah kulamadaasi looga tashanayo sii ambaqaadida qorshaha sanadka 2007, ayaa waxaa maalinimadii shaley isugu yimid maamulka sare iyo shaqaalaha ka hawlgalada xarunta Dahab Shiil ee magaalada Boosaaso iyo Magaalada Qardho, iyadoo xafladaasi ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wafdi sare oo ka socda Maamulka Sare ee Dahab Shiil.
Kulankaasi oo ka dhacay Tuulada Karin ee 40 km u jirta Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, tra oo beryahan ku howlanayd horumarinta wax qabadkeeda ayaa maanta kulan ay isugu  yeertay shaqaalaheeda waxay ku qabatay tuulada karin oo 40km u jirta magaalada bosaso
Qado sharafta oo ka dhacday beerta Caga Karin, ayaa si buuxda uga soo wada qayb galey dhamaan shaqaalaha oo isugu jira Rag iyo Haween, iyadoo shirkada Dahab Shiil ay kaga duwan tahay shirkado badan oo aysan ka hawlgalin dumarka.
Xafiiska Magaalada Boosaaso oo ah xafiiska ugu weyn ee shirkada Xawaalada Dahab Shiil ee deegaanada Puntland ayaa waxaa ka hawlgala in ku dhaw 5 gabdhood kuwaasi oo qabta shaqooyinka muhiimka ah ee xafiiska.
Kulankanasi qadada ahaa wafti ka socda maamulka sare ee shirkada Dahabshiil waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii munaasabadan ka muuqday maareeyaha guud ee shirkada dahabshiil Xasan Cabdi Cawad, Madaxa operation-ka ee Dahabshiil Axmed Warsame Ducaale, Agaasime Goboleedka Dahabshiil ee Puntland Cali Maxamud Xasan (Cali Ceelaayo), Maamulaha Dahabshiil Boosaaso Cumar Cali Xasan iyo xubno kale.
Kulankan oo markii la qadeeyey furmay ayaa waxaa hadal dheer ka soo jeediyey Maareeyaha guud ee shirkada Dahabshiil Xasan Cabdi Cawad oo isagu ka sheekeeyey horumarka shirkadu gaartey iyo waxyaabaha u degsan mustaqbalka.
Xasan Cabdi Cawad wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in hindisaha ay ugu jirto maamulka shirkada dahabshiil in xarun wayn oo Bank ah ay ka furan magaalada Boosaaso, isla markaana ay wadaan talaabooyin dheeraad ah oo lagu hourmarinayo hawlaha shirkada, iyo waliba tayeynta shaqada.
Shirkada Dahabshiil waa xawaalada guud ahaan Soomaaliya oo dhan ka jirta waxaana dalalka debeda shirkada dahabshiil xitaa isticmaala dadka ajanebiga ah
Waxaa uu kulankani  ku soo aadayaa iyadoo uu maareeyaha guud ee shirkada Dahabshiil Xasan Cabdi Cawad  kormeer ku marayo gobolada Soomaaliya.


 

1 comment: